(Sawirro) Muuse Biixi iyo Madax kale oo qaatay talaalka ka hortaga COVID-19

Maamulka Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u daah furay ololaha tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19.

Waxaa maanta tallaalka qaatay mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaciyey  inay qaadashada tallaalku si rasmi ah u bilaabantay, laguna  saleeyey qorshaha wasaaradda horumarinta caafimaadku u dejisay.

“Maanta waxaynu bilaabaynaa tallaalkii karoonaha oo dhawr cisho ka hor ina soo gaaray, wasaaradda caafimaadkuna waxay u diyaariyeen dadka xagga hore u taagan la dagaallanka xanuunkan ee ay kamid yihiin bahda caafimaadka, ciidamada iyo dadka ugu nugul ee da’da ah ama cudurada gaarka ah qaba.” ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu bulshada u caddeeyey inuu si rasmi ah u qaatay tallaalka ka horta xanuunka covid 19, dunida oo dhammina isku raacsan tahay waxtarka tallaalkan iyo badqabkiisaba, isaga oo meesha ka saaray shakiga dadka qaarkii ka muujinayo,

“Tallaalkii anigu waan qaatay, wax laga baqina malaha, marka lagu durayona dareemi maysid gacantii in lagu duray iyo in kale, wax Alle iyo wax shaki ah oo uu leeyahana ma jirto, adduunka oo dhammina wuu isku raacsan yahay, markaa dadka shakiga qaba ee leh wax baa qaldan, haddii ay Yurub tahay iyo haddii ay Maraykan tahayba waxa la isku raacay inuu yahay 100% mid aan Bani’aadmka waxba yeelaynin, 80%-na waxtar u leh,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Somaliland waxay sheegtay in labadii bilood ee la soo dhaafay uu dad badan soo ritay xanuunka Covid-19 oo mawjadii labaad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -